Magaalooyin badan oo ay ku jirto caasimadda wadanka Suudaan ee Al-khardhuum ayaa maalintii afaraad waxaa ka socda banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan dadka shacabka ah, kuwaas oo kasoo horjeeda xukuumadda talada heysa.
Banaanbaxydan waxay soo billowdeen maalintii Arbacada, waxaana dhigaya kumanaan ruux oo aad u careysan, kuwaas oo meelaha qaar ku gubay xarumo dowladeed.
Magaalooyinka ay banaanbaxyadu ka dhacayaan waxaa kamid ah Al-khardhuum, Al-Jaziira, Kosti iyo kuwa kaloo aad u badan, waxaana ka qeygalaya qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shacabka dhigaya bananabaxyda ayaa ka cabanaya sara ukaca ku yimid qiimaha Rootiga iyo shidaalka, waxayna soo jeedinayaan in xal loo helo dhaqaale xumida ka jirta wadanka Suudaan.
Ciidamada Police-ka xukuumadda ayaa isku dayaya iney ka hortagaan banaanbaxyada, waxaana meelaha qaar ay Police-ku u adeegsadeen shacabka suntan dadka ka ilmeysiisa, iyagoona mararka qaar rasaas kor u ridayay.
Inkabadan toban ruux ayaa ku dhintay banaanbaxyadan maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysanaya ee ka socda dalka Suudaan, waxaana xukuumadu ay bandow kusoo rogtay afar gobol oo kamid ah gobollada dalka Suudaan ee tiradoodu tahay 18 gobol.
Banaanbaxyada awgeed, waxay wasaaradda waxbarashada dowladda Suudaan soo saartay wareegto ay ku sheegeyso iney fasax yihiin dhamaan goobaha waxbarashada, waxaana tallaabadan loo qaaday si ardeydu uga qeyb qaadanin banaanbaxyada socda.
Taliyaha sirdoonka dowladda Suudaan ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in banaanbaxyada ka socda dalka Suudaan ay ka dambeeyaan kooxo mucaarad ah oo taageero ka helaya maamulka Yahuudda.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa hadalkan ku tilmaamay mid lagu doonayo in lagu cabsi geliyo shacabka cabashadooda soo bandhigaya, waxaana laga yaabo in xaaladdu sii cakkiranto, haddii dowladu ajiibi weyso dalabaadka shacabka.
Banaanbaxyada ka billowday dalka Suudaan waxay kusoo aadeen xilli dhawaan Al-bashiir madaxweynaha dalkaas uu booqasho ku tagay magaalada Dimishiq ee Suuriya, isagoo la kulmay madaxweynaha nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-asad.