HomeAll newsFaafaahin laga helayo Qaraxyo lagu weeraray Kontroolka Madaxtooyada.

Faafaahin laga helayo Qaraxyo lagu weeraray Kontroolka Madaxtooyada.

Qaraxyo waaweyn ayaa barqanimadii maanta waxay ka dheceen kontoroolka koowaad ee laga sugo amaanka xarunta madaxtooyada oo uu deganyahay madaxweynaha dowladda Maxamad Farmaajo.

Qaraxa koowaad waxa uu ahaa camaliyad Istish-haadi ah, waxaana lagu weeraray kontoroolka xilli ay ku sugnaayeen ciidamo aad u badan oo katirsan kuwa Koofiya guduuda, waxaana gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxyar kadib, waxaa qarxay gaari kale oo miineysan kaas oo loo diyaariyay ciidamada gurmad ahaan usoo gaari lahaa goobta.

Qaraxa labaad waxaa uu khasaare adag gaarsiiyay ciidamo gurmad soo sameeyay oo uu hogaaminayay gudoomiye kuxigeenka dhinaca amniga gobolka Banaadir ninka lagu magacaabo Tuulax.

Tuulax waxaa gaaray dhaawac, sida ay xaqiijinayaan ilo lagu kalsoonaan karo, waxaana mas’uuliyiinta kale ee waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyadan kamid ah Warsame Joodax oo ah xillibaan katirsan baarlamaanka dowladda federaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular