Dhuuxa wareysiyada waa barnaamij mug weyn leh oo habeen walba ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, waxaana lagu soo qaataa wararkii ugu dambeeyay iyo wareysiyo muhim ah oo dhinacyo kala duwan lala yeesho.
Intiisa badan waxaa caawa lagu soo gudbiyay macluumaadka weeraradii mataanaha ahaa ee maanta ka dhacay Madaxtooyada difaaceeda koowaad iyo wareysiyo lala yeeshay xubno dowladda kamid ah.