
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in goordhow magaaladaas lagu xiray Mukhtaar Roobow oo ahaa mid kamid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada maamulka Koonfur-galbeed.
Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa iney guriga Mukhtaar Roobow u dheceen, islamarkaana halkaas kasoo kaxeysteen.
Inkastoo la ogeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xiritaanka Mukhtaar Roobow, hadana waxaa loo maleynayaa inuu salka ku hayo khilaafka u dhexeeyay isaga iyo dowladda dhexe ee Farmaajo hogaamiyo.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa si adag u jirdilay Mukhtaar Roobow, lamana oga halka ay u kaxeysteen.