
Aroornimadii hore ee saaka, ciidama aad u hubeysan oo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duulaan ku qaaday dhufeysyada ciidamada maamulka Koonfur-galbeed ay ku leeyihin deegaanka Goof-guduud Buurey ee gobolka Baay iyo Bakool.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaal culus la galay kuwa Koonfur-galbeed, waxaana ugu dambeyntii deegaanka laga eryay malleeshiyaadka, iyadoona laga taagay Raayada Towxiidka.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa xaqiijiyay in deegaanka ay si buuxda u maamulayaan ciidamada Mujaahidiinta, kuwa dowladana ay usoo firxadeen dhanka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Dhimasho iyo dhaawac ayaa jira oo gaaray ciidamada maamulka Koonfur-galbeed, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ciidamada Mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen hub kala duwan.
Sidan oo kale, waxaa deegaankan dhowr jeer duulaan ku qaaday Mujaahidiinta, kuwaas oo kala eryay malleeshiyaadka jooga ee Amxaaro kalkaalka ah.