HomeAll newsDagaal Culus oo Al-Shabaab iyo Bankaraft ku dhexmaray Shabeellaha-hoose.

Dagaal Culus oo Al-Shabaab iyo Bankaraft ku dhexmaray Shabeellaha-hoose.

Dagaal aad u culus ayaa gobolka Shabeellaha-hoose ku dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Bankrafta ee ay Maraykanku tabababareen, waxaana dagaalkan oo khasaare adag dhaliyay uu qaatay saacado xiriir ah.

Deegaanka Baladul-Amiin oo u dhow degmada Afgooye ayaa waxaa isku fara saaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa uu Maraykanku tababaray oo isku dayay iney dhaq-dhaqaaq ciidan ka sameeyaan duleedka degmada Afgooye.

Ciidamada Bankrafta waxaa taageerayay saraakiil Ameericaan ah, balse ma gaarin wax hadaf ah, waxaana dhabarka loo saaray khasaare kala duwan.

Mid kamid ah gawaarida gaashaman ee ay wateen ayaa kelli uga dhacay, waxaana ay Mujaahidiintu ku guuleysteen iney gubaan.

Warar ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in sarkaal katirsan malleeshiyaadka Bankrafta ee ay Maraykanku tababareen lagu dilay dagaalkaas, kaas oo kamid ah saraakiisha horboodeysa ciidamada soo qaaday duulaanka qarbudaada ahaa.

Waxaa sidoo kale dagaalka ku geeriyooday ugu yaraan shan askari oo katirsna malleeshiyaadka duulaanka soo qaaday ee uu ku adeegto Maraykanka.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular