Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gudaha u galay xaafado kamid ah degmada Afgooye oo qiyaastii 30KM kaga beegan dhanka galbeedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Mujaahidiinta ayaa dagaal la galay ciidamo katirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa degmada, waxaana markii dambe u suuragashey iney la wareegaan xaafado ay ku jirto Buundo-Yareey.
Dadka Afgooye degan waxay sheegayaan iney arkayaan ciidamada Mujaahidiinta oo aad u hubeysan, islamarkaana gaaf wareegaya xaafadaha, dadkana u sheegaya iney is dejiyaan.
Lama oga khasaaraha gaaray ciidamada dowladda, balse waxaa marar badan soo laa laabtay weerarada noocan oo kale ah oo ay degmada Afgooye ku galaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.