Saacadihii lasoo dhaafay, ciidamada Xabashida Itoobiya waxaa qaraxyo waaweyn lagula beegsaday qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka baxay degmada Luuq kuna sii jeeday Yurkud oo kamid ah gobolka Baay ayaa lagu weeraray labo qarax oo aad u culus, waxaana ka dhashay khasaare nafeed oo aad u badan.
Qaraxa koowaad ayaa haleelay gaari weyn oo ay saarnaayeen ciidamo gaaraya 40 askari, dhamaantoodana waxay noqdeen dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada Itoobiya ayaa saacado ku hakaday goobta uu qaraxu ku qabsaday, waxaana markii ay isku dayeen iney dhaqaaqaan hadana qabsadya qarax kale oo aan ka yareyn kii koowaad.
Qaraxa labaad ayaa haleelay gaari siday ciidamo aad u badan, waxaana dhintay guud ahaan ciidamadaas.
Khasaaraha gaaraya ciidamada Itoobiya marka la isku daro dhimasho iyo dhaawac waxaa uu ku dhowyahay 100 askari, taas oo ka dhigeysa dharbaxshadii ugu kululeyd ee dhawaantan la gaarsiiyo ciidamada Itoobiya.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda labada qarax ee shalay lala eegtay ciidamada Itoobiya, waxaana maalmihii dambe sii kordhay beegsiga ciidamada xabashida Itoobiya.