
Dowladda Austarlia ayaa go’aan ku gaartay in magaalada Al-Qudus ee ay Yahuudu xooga ku heystaan u aqoonsato caasimadda dowlad ay leeyihiin Yahuuda xooga lagu deegaameeyay dhulka muslimiinta ee Filastiin.
Scott Morrison ra’iisul wasaaraha Austerlia ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisu u aqoonsatay Al-Qudus iney tahay caasimadda maamulka Yahuudda, balse wuxuu meesha ka saaray in safaaradooda ay ku leeyihiin magaalada Talla’biib ay usoo rarayaan magaalada Al-Qudus.
Wuxuu sheegay in furitaanka safaaradooda ee magaalada Al-Qudus ay ku xirantahay dadaallada wadahadallada uu ku sheegay ee u dhexeeya maamulka Filastiiniyiinta iyo Yahuuda xooga ku heysta dhulka Filastiin.
“ Austrelia waxay u aqoonsaneysaa Al-Qudus iney tahay caasimadda Yahuudda” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha wadankaas Scott Morrison oo hadlayay maanta oo Sabti ah.
Dowladda Austrelia ayaa kamid noqoneysa dowlado farakutiris ah oo raacay go’aankii madaxweyne Trump uu ugu aqoonsaday Al-Qudus caasimadda maamulka Yahuudda.