HomeAll newsXukuno dil ah oo ka dhacay Fagaare ku yaala Shabeellaha-hoose.

Xukuno dil ah oo ka dhacay Fagaare ku yaala Shabeellaha-hoose.

Deegaanka Mubaarak.

Maxkamadda islaamiga ee Wilaayada Shabeellaha hoose ayaa goordhow waxay xukun xaddu riddo ah ku fulisay ciidamo katirsan dowladda federaalka, iyo mid kamid ah odoyaasha soo xulay baarlamaannada federaalka.

Fagaare ku yaala deegaanka Mubaarak ee wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose ayaa lagu toogtay labo askari oo katirsana ciidamada dowladda, iyo Oday dhaqan ka qeyb qaatay soo xulista baarlamaanka dowladda federaalka.

Mid kamid ah Qudaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay xukunka, waxaana xilliga uu dhacayay xukunka ay ahaayeen dadka fagaaraha jooga kuwa aad u takbiirsanayay.

Magacyada shakhsiyaadka xukunka lagu fuliyay waxay kala yihiin:-

1-Maxamad Tifow Xaydar oo 59 jir ah, kana mid ahaa ergadii soo xulay baarlamaanka dowladda federaalka.

2- Mahad Cabdullaahi Abuukar waa 29 jir, katirsan ciidamada dowladda.

3-Maxamuud Faaarax Aadan waa 28 jir, katirsan ciidamadad dowladda federaalka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular