HomeAll newsXukun Xad ah oo ka dhacay Qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Xukun Xad ah oo ka dhacay Qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Xukun xadu-liwaad ah ayaa barqanimadii maanta ka dhacay degaanka Shaw oo dhaca galbeedka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya,Boqollaal dad weyne ah ayaana isugu soo baxay fagaaraha si ay u dhageystaan xukunka iyo habka loo fulinayo.

Qaadiga ayaa waxa uu faahfaahiyay xukunka waxaana uu sheegay in 26kii bishii 2-aad ee sannadkan 1440 uu maxkamadda islaamiga ah ee aagga jalalaqsi usoo dacwooday Cabdul khaaliq xasaney xuseyn oo ashtako ka ah nin fal liwaad ah kula kacay wiil uu adeerkii dhalay oo saqiir 6 sano jir ah.

Ninka uu soo dacweystay oo lagu magacaabo Cabdul-qaadir Doolaal Calay ayay maxkamaddu u yeertay kadibna waxaa laga dalbay inuu jawaab ka bixiyo dacwada iyo eedda loo soo jeediyay.

Sida uu qaadigu sheegay, Cabdulqaadir ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay eeda loo soo jeediyay oo falka liwaadka ah. Intaasi kadib maxkamadda ayaa hor dhigtay su’aal ah inuu fayow yahay, qaan gaar yahay iyo inuu og yahay xaaraannimada falka uu ku dhaqaaqay.

Cabdulqaadir ayaa sheegay inuu fiyowyahay maskax ahaan, uuna og yahay waxa ka dhalanaya falka uu ku dhaqaaqay sidoo kalana uu yahay nin qaan gaar ah oo jira 15 sannadood. Sidaa darteed maxkamadda ayaa ku xukuntay xaddulliwaad, fagaaraha ayaana lagu toogtay.

Dhulka wilaayaadka islaamiga ah ee ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxaa ka jira maxkamado islaami ah waana midda keentay inuu ka duwanaado dhulka ay heystaan shisheeyaha iyo DF oo fisqiga iyo khamrigu bannaanada iska yaallaan, heer ay xaaladdu mareyso in madaxda dowladda qaar ay ka marqaati kacaan in Muqdisho ay ku yaallaan hoteello iyo guryo jirka haweenka lagu iibiyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular