HomeAll newsTaliyaha Guutada Koowaad ee Dowladda Oo dhaawac Daran la gaarsiiyay.

Taliyaha Guutada Koowaad ee Dowladda Oo dhaawac Daran la gaarsiiyay.

Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar kamiin ah oo galabnimadii maanta ciidamo katirsan dowladda lagula eegtay duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku guuleystay in kamiinka ay ku dhaawacaan Taliyaha guutada koowaad ee ciidamada milliteriga dowladda federaalka Jeneral Ibraahim Yuusuf oo ku magac dheer (Tubaakaweyne).

Dhaawaca gaaray Tubaakaweyne ayaa ah mid halis ah, waxaana suuragal ah inuu u dhinto dhaawaca gaaray.

Ciidamada dowladda ee firxaday, kana badbaaday kamiinka ayaa gudaha u galay magaalada Balcad, waxayna markii hore ka yimaadeen dhanka magaalada Jowhar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular