Deegaannada Muungi iyo Boorow oo dhaca xeebta Shabeellaha hoose, una dhexeeya Baraawe iyo Marko ayaa waxaa gaaray dhakhaatiir ka socotay hay’adda kheyriga ee Al-Ixsaan.
Dhakhaatiirta ayaa deegaannada ka fuliyay baaritaanno caafimaad oo lacag la’aan ah, iyagoona ka qeybiyay dawooyin muhiim ah oo ay dadku u baahnaayeen.
Dadka ka faa’ideystay deeqdan caafimaad ee ay ka fulisay Al-Ixsaan tuulooyinka dhaca xeebta waxay tiradoodu gaareysaa kudhawaad 900 oo ruux.