Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa fiidkii magaalada Muqdisho ku toogtay sarkaal sare oo katirsan ilaalada madaxtooyada dowladda federaalka.
Xasan Nuur oo kamid ah Ilaalada Madaxtooyada ayaa rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta waxay ku toogteen qeybo kamid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Sarkaalkan la dilay ayaa kamid ahaa saraakiisha ciidamada koofiya guduuda ee qaabilsan ilaalinta amaanka Farmaajo, waxaana dilkiisa geystay rag bastoolado ku hubeysan.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dillka sarkaalkan, oo qeyb ka noqonaya silsilado weeraro iqtiyaalaad ah oo Muqdisho lagula eegtay maalmihii tagay xubno iyo saraakiil katirsan dowladda federaalka.
Shalay ayay ahayd markii deegaanka Weydow oo dhaca duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay mid kamid ah ergadii soo xulay baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed iyo labo askari oo katirsan ciidamada dowladda.