HomeAll newsSaraakiil katirsan dowladda Oo saacadihii lasoo dhaafay Lagu dilay Muqdisho.

Saraakiil katirsan dowladda Oo saacadihii lasoo dhaafay Lagu dilay Muqdisho.

24-tii saac ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay saraakiil muhiim u ah dowladda, kuwaas oo ka kala tirsanaa ciidamada Amaanka iyo kuwa milliteriga.

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaa ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen sarkaal lagu magacaabo Axmed Nuux oo kamid ahaa saraakiisha PS-ta dowladda federaalka.

Sarkaalka waxaa lala dilay askari kale oo katirsan ciidamada ilaalada madaxtooyada ee loo yaqaano Koofiya-guduuda, kaas oo la socday xilliga la beegsanayay Axmed Nuux.

Sidoo kale, nawaaxiga xarunta Kulliyada Jaalle-siyaad waxaa qarax lagula eegtay sarkaal katirsan ciidamada Milliteriga dowladda.

Sarkaalka qaraxa lagu beegsaday waxaa lagu magacaabaa C/Kaafi Yaasiin Cali, waxaana qarax lala eegtay gaari nooca Surf ah oo uu watay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusii kordhaya howlgallada gaarka ah ee lagu ugaarsanayo saraakiisha iyo xubnaha dowladda federaalka, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala Muqdisho sii kordhiyeen beegsiga xubnaha dowladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular