HomeAll newsMaraykanka oo haween iyo caruur badan ku dilay dalka Afghanistaan.

Maraykanka oo haween iyo caruur badan ku dilay dalka Afghanistaan.

Musal-salka beegsashada dumarka iyo caruurta ayaa joogta ka ah dalka Afghanistan, dowladda Maraykanka oo sheegata xuquuqda iyo ilbaxnimada ayaana ah dowladda ka dambeysa gumaadkan wuxuushnimo ee ka socoda Afghanistaan.

Diyaarad drones ah oo ay leedahay dowladda Maraykanka ayaa gobolka Laqmaan ee Afqaanistaan waxay ku dishay ugu yaraan saddex dumar ah, oo ku sugnaa qeybo kamid ah gobolka.

Wararka ka imaanaya Dolt Shaah ee gobolka Laqmaan ayaa xaqiijinaya in diyaaradaha Maraykanka duqeyn cadowtooyo oo bareer ah ku beegsadeen saddex dumar ah xilli ay ku safrayeen deegaanka Boombi.

Xilliga ay duqeyntu dhaceysay waxaa xusid mudan in goobta ay marayeen dumarka oo keliya, mana jirin xarumo milliteri iyo ciidamo katirsan Mujaahidiinta oo gebi ahaanba ku yaala goobta ay duqeyntu ka dhacday.

Sidoo kale, ciidamada Maraykanka ayaa howlgal habeen dheelmad ah oo ay kusoo qaadeen qeybo kamid ah wilaayada Lowjar waxay ku dileen caruur iyo dumar aad u badan.

Wararka ka imaanaya gobolkaas ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 20 ruux oo dhamaantooda ah caruur iyo dumar ay ku geeriyoodeen howlgalkan habeen dheelmadka ah ee ay soo qaadeen ciidamada Maraykanka.

Waxaa magaalada Lowjar iyo deegaannada hoos yimaada ka socda banaanbaxyo waaweyn oo ay dadka shacabka dhigayaan, kaas oo looga soo horjeedo gumaadka gurracan ee Maraykanku u geysto marrasta aan waxba galabsan.

Ciidamada Maraykanka ayaa inta badan duqeymahan wuxuushnimada iyo howlgalladan gumaadka ah fuliya marka ay dharbaaxsho kulul kala kulmaan ciidamada Imaarada islaamiga ee Afghanistaan, taas oo kordhisay weerarada ay sida gaarka ah ula bartilmaameysaneyso ciidamada Maraykanka.

Dhinac kale, askari katirsan Police-ka xukuumadda Kaabul ayaa isku soo dhiibay ciidamada Mujaahidiinta.

Askariga isasoo dhiibay waxaa lagu magacaabaa Muxamed Siciid, waxaana uu isku soo dhiibay ciidamada mujaahidiinta ee jooga wilaayada Zaabil.

Gaari nooca raaxada ah, qori Ak47 ah iyo labo qori oo kale ayuu la yimid askarigan, waxaana towbad keenkiisa uu yimid kadib juhdi ballaaran oo uu ku bixiyay lajnada dacwada ee Imaarada islaamiga ee Afghaanistaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular