Qeybo kamid ah gobolka Idlib oo dhaca wuqooyiga Suuriya waxaa habeenkii xalay ka dhacay duqeymo ay geysteen malleeshiyaadka nidaamka Nuseyriyada ee uu hogaamiyo Bashaar Al-asad.
Duqeymahan oo ay Nuseyriyadu u adeegsadeen hubka cul culus ee madaafiicda ayaa si gaar ah waxay u beegsadeen magaalada Jarjanaar ee gobolka Idlib, oo kamid ah magaalooyinka ay ku noolyihiin dadka muslimiinta ah.
Madaafiic kusoo dhacay xaafadaha magaalada ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta la ogyahay dhimatay ugu yaraan labo ruux, halka tiro dhaawacyo ahna ay jiraan.
Marka laga soo tago dhimashada iyo dhaawaca, waxaa jira burbur xoogan oo ay geysteen madaafiicda kusoo dhacday xaafadaha magaalada Jarjanaar.