HomeAll newsKudhawaad 10 askari oo Ruush ah iyo tobanaan Malleeshiyo oo katirsan Nidaamka...

Kudhawaad 10 askari oo Ruush ah iyo tobanaan Malleeshiyo oo katirsan Nidaamka Nuseyriyada Oo lagu dilay gobolka Xammaah.


Ciidamo katirsan Mujaahidiinta Hay’adda Taxriiru-Shaam ayaa fuliyay weerar xoogan oo abaabulan, kaas oo lagu dilay tobaneeyo katirsan malleeshiyaadka Nuseyriyada ee jooga gobolka Xammaah.

Guutooyinka sida gaarka ah u tababaran ee caanka ku ah cimaamadaha guduudan ayaa weerar qorsheysan ku ekeeyay mid kamid ah talisyada ugu weyn ee Nuseyriyadu ku leeyihiin gobolka Xammaah, halkaas oo kamid ah jabahadaha ay isku horfadhiyaan Mujaahidiinta iyo Nuseyriyada.

Saraakiil katirsan hay’adda oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in duulaankan qorsheysan ee dhacay xalay lagu dilay 18 askari oo katirsan malleeshiyaadka Nidaamka oo ay kujiraan 4 sarkaal, halka sidoo kale lagu dilay todobo askari oo katirsan ciidamada Ruushka ee duulaanka ku jooga dalka Suuriya.

Howlgalkan gaarka ah waxaa uu ka dhacay tuulada At-taraabiic ee gobolka Xammaah, halkaas oo uu ku yaalo taliska ugu weyn ee gobolka Xammaah ku leeyihiin Ruushka iyo Nidaamka Nuseyriyada.

Wuxuu jawaab u ahaa howlgalkan gumaad malleeshiyaadka Nuseyriyadu u geysteen qaar kamid ah dagaalyahannada kacdoon wadayaasha, kuwaas oo dhawaan gobolkaas ay ku dileen ciidamada Nuseyriyada.

Dadka Reer Shaam, gaar ahaan kuwa kunool wuqooyiga Suuriya ayaa aad ugu farxay howlgalkan, kaas oo dadka usoo celiyay ruuxdii Jihaadka ee kujirtay, waxayna kusoo aadeysa xilli dowladda Ruushka iyo Turkigu gaareen heshiis ka koobnaa dhowr qodobo oo ay kamid tahay in la joojiyo howlgallada caskariga.

Arintan ayaa waxba kama jiraan ka dhigeysa heshiiska Ruushka iyo Turkiga, waxayna muujineysaa in marka waaqica laga hadlo aysan waxba soo kordhin qodobada kasoo baxay heshiiskaas, inkastoo qaar kamid ah kooxaha huwan magaca kacdoon wadayaasha ay sheegeen iney aad usoo dhaweynayaan heshiiskii Sootshi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular