Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu weeraray qeybo kamid ah gobolka Baay, halkaas oo lagula eegtay qarax aad u xoogan.
Gaari ay saarnaayeen ciidama Itoobiyaan ah oo marayay nawaaxiga degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa waxaa lala eegtay qarax aad u xoogan, kaas oo burburiyay gebi ahaanba gaariga.
Labo Qarax oo kale ayaa lala eegtay kolonyada ciidamada Itoobiyaanka, taas oo ka dhigeysa wadarta qaraxyada lala eegtay illaa iyo saddex qarax.
Ugu yaraan 10 askari oo uu kujiro sarkaal Itoobiyaan ah ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen qaraxyadan, halka ay jiraan dhaawacyo kale oo badan..
Ciidamada Itoobiya ayaa saacado ku xannibnaa halka qaraxyada lagula eegtay, iyagoo ka baqanaya iney la kulmaan weeraro kale.
Dhawaan ayaa wadada isku xirta Baradaale iyo Baydhabo waxaa lagu qarxiyay gudoomiyaha degmada Bardaale, kaas oo si dirqi ah uga badbaaday, waxaana waraysi uu xilligaas siiyay Al-Furqaan uu ku sheegay inuu sigtay.