Dayuurad dagaal oo ay leedahay xukuumadda Masar ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku burburtay hawada wadankaasi iyadoo tani ay ka walwalsan yihiin saraakiisha ciidanka cirka.
Wargeys kasoo baxa dalka Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradda soo dhacday uu nooceedu ahaa miig 29, islamarkaana illaa iyo hadda aan la ogeyn sababaha rasmiga ah ee keeney burburkeeda.
Afhayeen u hadlay ciidamada Milliteriga Masaarida ayaa xaqiijiyay in diyaaradda ay gebi ahaanba burburtay, balse uu badbaaday duuliyihii kaxaynayay, waxaana diyaaradda ay ku jirtay tababar dhanka milliteriga ah.
Shirkadda sameysa diyaaradaha ee laga leeyahay dalka Ruushka oo ah shirkadda soo saartay diyaaradda soo dhacday ayaa sheegtay iney si dhow ula socoto arinta diyaaradda, dhawaanna dalka Masar ay u diri doonto wafdi cillad baariyaal ah kuwaas oo baari doona sababaha keenay burburka diyaaradda.