HomeAll newsDagaal ka dhacay Qazza oo lagu dilay sarkaal sare oo Yahuudi ah.

Dagaal ka dhacay Qazza oo lagu dilay sarkaal sare oo Yahuudi ah.

Majmuuco katirsan ciidamada Yahuudda ayaa isku dayay iney howlgal gaar ah ka fuliyaan Jiida Qazza oo ay gacanta ku heyso xarakada Xammaas.

Sida ay xaqiijinayaan wararka la helayo, unug katirsan ciidamada Yahuudda oo isasoo qariyay ayaa soo gaaray qeybo kamid ah magaalada Khaanyoonis, iyadoo ujeedkoodu yahay iney dilaan hogaamiye katirsan xarakada wax iska caabinta ee Xammaas.

Ciidamada Yahuudda ayaa ku guuleystay iney dilaan hogaamiye lagu magacaabo Nuur Baraka, oo katirsan garabka milliteri ee Xammaas Cizzu-diin Al-Qassaam, waxaana laga warhelay iyagooo doonaya iney ku laabtaan halkii ay kasoo duuleen.

Dagaal adag ayay ciidamada Cizzu-diin Al-Qassaam la galeen ciidamada Yahuudda ee soo xadgudbay, waxaana markaas kadib diyaaradaha Yahuudu fuliyeen dhowr duqeyn oo ay ku doonayaan iney ku badbaadiyaan ciidamadooda.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay garabka milliteri ee Xammaas, waxay ku guuleysteen iney dilaan sarkaal sare oo Yahuudi ah, halka ay dhaawaceen mid kale.

Ra’iisul wasaaaraha Yahuudda oo booqasho ku joogay Faransiiska ayaa kusoo laabtay dhulka uu xooga ku heysto ee Filastiin, si uu ula socoda xaaladda soo korortay, waxayna muujineysaa iney ku guul dareysteen shaqadii ay doonayeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular