HomeAll newsCiidamada dowladda Oo uu dagaal adag ku qabsaday Duleedka Marko.

Ciidamada dowladda Oo uu dagaal adag ku qabsaday Duleedka Marko.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku waramaya in duleedka magaalada Marko uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa dowladda federaalka ee Shisheeyaha ku wehlinaya duulaanka ay ku joogaan Marko.

Dagaalka ayaa yimid, kagadaal markii kolonyo ciidamo katirsan dowladda ay ka ambabaxeen magaalada Marko, iyagoo afka saaray dhanka deegaanka Jilib Marko, waxaana markii ay meel dhexe marayaan qabsaday dagaal adag oo aysan fileyn.

Wararka horudhac ah ee kusoo dhaacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-furqaan ayaa xaqiijinaya in ciidamada dowladda ay la kulmeen dagaal adag, laguna qasbay iney kala firxadaan, kuna soo laabtaan halkii ay ka duuleen ee magaalada Marko.

Gaari nooca Beebaha loo yaqaano oo gaashaman ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qabsadeen dagaalka, iyadoona ay jiraan hub kale oo u gacan galay Mujaahidiinta, inkastoo aynaan helin faafaahin la xiriirta.

Ciidamada dowladda ee Shisheeyaha ku wehlinaya duulaanka Marko ay kusoo qaadeen ayaa la kulmaya silsilado weeraro qorsheysan oo ay ku qaadayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Shisheeyaha qudhooda ayaa la kulma weeraro adag oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyo.

(www.sienagolfclub.com)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular