Qarax aad u culus ayaa lala eegtay kolonyo katirsan ciidamada Burundi, kuwaas oo ku safrayay qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha-dhexe.
Qaraxa ayaa haleelay mid kamid ah gawaarida ciidamada Shisheeyaha, kaas oo ay saarnaayeen tiro askar Brundes ah.
Ciidamada Burundiga ayaa lala helay qaraxa iyagoo maraya deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay, waxaana gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Hal askari ayaa la xaqiijiyay inuu dhintay, mid kalana dhaawac halis ah ayaa soo gaaray, kadib markii qaruxu haleelay gaari ay saarnaayeen.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qaraxan lala eegtay ciidamada Shisheeyaha.