HomeAll newsAfghanistan: Duqeyn lagu garaacay Xaflad Aroos iyo Musharrax Qarax lagu beegsaday.

Afghanistan: Duqeyn lagu garaacay Xaflad Aroos iyo Musharrax Qarax lagu beegsaday.

Waxaa sii socda gabood fallada iyo xasuuqa arxan darrada ah ee ay ku kacayaan ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa uu tababaray ee malleeshiyaadka xukuumadda Kaabul, kana geysanayaan wadanka muslimka ah ee Afqaanistaan.

Ciidamada xukuumadda Kaabul ayaa duqeyn madaafiic oo ay ku garaaceen degmada Jalriiz ee wilaayada Meydaan-wardak waxaa ka dhashay dhimashada caruuska, iyo labo ruux oo kamid ah dadka lagu casuumey kasoo qeybgalka xafladda.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmey 5 ruux oo rag ah, iyo 4 dumar ah, kuwaas oo kamid ahaa dadka kasoo qeybgalay xafladda arooska, waxaana arintan ay qalbi xanuun ku beertay qoyskii faraxsanaa ee ay murug isku bedeshay xaaladooda.

Dhanka kale, qarax xoogan ayaa lala eegtay mid kamid ah musharixiinta u tartamaya xubbinimada Baarlamaanka xukuumadda Kaabul.

Qarax lala eegtay gaariga musharraxa oo lagu magacaabo Cabdi-nasiir Xaqmal ayaa waxaa ka dhashay dhaawac isaga gaaray, halka uu sidoo kale ku dhintay mas’uulkii amniga ee garoonkii hore ee magaalada Khoost.

Howlgalka Al-khandaq ayaa weli ka socda dalka Afqaanistaan, mana jirto maalin soo marta dalka Afqaanistaan oo uusan ka dhicin howlgal Jihaadi ah oo ay fulinayaan ciidamada Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular