HomeAll newsDhagayso: Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo digniin culus u jeedisay Dalladaha Waxbarashada.

Dhagayso: Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo digniin culus u jeedisay Dalladaha Waxbarashada.

Sheekh Cali Dheere- Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab

Iyadoo inta badan dalladaha waxbarashada ee ka dhisan magaalada Muqdisho ay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo, ayaa waxaa arintaas digniin culus kasoo saaray Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali dheere, Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ka hadlayay munaasabad lacago sako ah lagu gudoonsiinayay boqollaal ruux oo reer Muqdisho ah ayaa ugu baaqay dalladaha waxbarashada iyo goobaha waxbarashada iney iska ilaaliyaan iney xiriir la sameeyaan dowladda federaalka.

Wuxuu Sheekhu sheegay iney ka war hayaan tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen qaar kamid ah dalladaha waxbarasho ee magaalada Muqdisho, isagoona sheegay in ciddii ku dhega la shaqeynta dowladda federaalka ay ka qaadi doonaan tallaabo cad oo waafaqsan Shareecada Islaamka.

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cali dheere wuxuu ka hadlay ahmiyadda ay leedahay waxbarashada iyo duulaanka ay Shisheeyuhu ku qaadeen jaanibkaas, wuxuuna sheegay in iskuullada iyo Jaamacadaha ay yihiin goobo muhiim ah oo wax lagu baro ubadka, ayna waajib tahay in laga ilaaliyo wax weliba oo wasakheyn kara Caqiidada umadda muslimka ah.

Hay’adda UNESCO ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha waxbarashada ayuu Sheekh Cali dheere soo hadal qaaday, isagoona sheegay in Mujaahidiintu ka war hayaan manaahijta waxbarasho ee ka hor imaanaya diinta islaamka ee hay’adaas ay faafiso, tallaabo adagna ay ka qaadi doonaan.

Hadalka kasoo baxay Xarakada  Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli dalladaha waxabarasho ee magaalada Muqdisho ay ardeyda u dhigaan manhaj ka hor imaanaya diinta Islaamka oo ay soo diyaarisay hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobay.

Halkan ka dhagayso Kalimadda uu jeediyay Sheekh Cali Dheere.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular