Iyadoo tan iyo maalintii Talaadada la waayay halka uu jaan iyo cirib dhigay wariye lagu magacaabo Jamaal Khaash-qiji oo kasoo jeeda dalka Sucuudiga, kana mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan maamulka Aala-Sucuud, ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in la dilay wariyahaas.
Jamaal ayaa markii dad ugu war dambeysay wuxuu ku sugnaa dhismaha safaaradda maamulka Aala-Sucuud uu ku leeyahay dalka Turkiga, waxaana halkaas uu ka doontay waraaqo u suuragelin lahaa inuu guursado gabar u dhalatay wadanka Turkiga.
Tan iyo markii uu galay dhismaha safaaradda ayaa waxaa gebi ahaanba la waayay xiriirkiisa, iyadoona ay soo baxeen warar sheegayay in la dafay, si qarsoodi ahna loogu qaaday dhulka Xarameynka.
Police-ka dalka Turkiga oo waday maalmihii lasoo dhaafay baaritaanno ballaaran ayaa sheegaya in cadeymo ay helayaan ay xoojinayaan in Jamaal la dilay, islamarkaana si xun loo tacdiibiyay.
Inkastoo dowladda Turkiga uusan kasoo bixin war rasmi ah, hadana waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo xaqiiqda waxa dhacay, waxaana markaas kadib la filayaa in dowladda Turkiga soo saarto war rasmi ah.
Dalka Turkiga waxaa ku nool siyaasiyiin badan oo kasoo cararay maamulka Aala-Sucuud, kuwaas oo baraha bulshada ku faafiya warar lid ku ah maamulka uu majaraha u hayo Muxamed bin Salmaan.