HomeAll newsTaliyaha Sirdoonka Dowladda Oo is casilay.

Taliyaha Sirdoonka Dowladda Oo is casilay.

War rasmi ah oo kasoo baxay hay’adda sirdoonka dowladda ee magaceeda loo soo gaabiyo NISA ayaa lagu sheegay inuu is casilay taliyihii hay’adaas ninka lagu magacaabo Xuseen Cismaan Xuseen.

Sababaha uu isku casilay taliyaha PS-ta dowladda ayaa lagu sheegay iney tahay sababo shakhsi ah, lamana faafaahin sababahaas.

Xuseen oo horey u ahaa xubin katirsan baarlamaanka, iskana casilay xillibaannimada markii loo magacaabay taliyaha PS-ta, ayaa hadda la sheegayaa inuu doonayo inuu u tartamo madaxweynaha maamulka koonfur-galbeed.

Fahad Yaasiin oo ah Taliye ku xigeenka PS-ta ayaa la sheegaa inuu yahay taliyaha dhabta ah ee sirdoonka dowladda, maadaama uu aad ugu ag dhowyahay Farmaajo, islamarkaana ay wadato dowladda Qadar.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular