Weerar qorsheysan oo fariid ah ayaa ka dhacay dalka Afqaanistaan, kaas oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo taliyaha ciidamada Maraykanka ee wadanka Afqaanistaan ninka lagu magacaabo Scott Miller.
Taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afqaanistaan ayaa la beegsaday isagoo ku sugan xarunta maamulka magaalada Qandahaar, waxaana xilligaas uu kulan la lahaa saraakiisha sar sare ee gobolka, islamarkaana qaabilsan dagaalka ka dhanka ah Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.
Weerarka lagu beegsaday Scott Miller wuxuu ka dhacay qolka gaarka ah ee uu shirku ka socday, waxaana fuliyay mujaahid katirsan Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.
Inkastoo uu weerarku ka badbaaday Scott Miller, hadana waxaa goobta lagu dilay mid kamid ah saraakiisaha ugu waaweyn ee daacadda u ahaa dowladda Maraykanka, kaas oo lagu magacaabo Cabdi-rizaaq.
Cabdi-rizaaq ayaa ahaa taliyaha Polic-ka gobolka Qandahaar, waxaana sidoo kale lala dilay taliyaha sirdoonka Qandahaar oo lagu magacaabo Cabdul Mu’min.
Afhayeenka Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan Sheekh Qaari Muxamed Yuusuf Axmadi ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in hadafku ahaa Scott Miller, balse uu ka badbaaday, wuxuuna sheegay in weerarka lagu dilay saraakiil dhagar badan oo Maraykanka daacad u ahaa.
Waxaa la xaqiijiyay in weerarkan lagu dhaawacay saddex sarkaal oo Ameericaan ah, kuwaas oo kamid ahaa wafdiga taliyaha ciidamada Maraykanka Scott Miller.
Taliyaha Ciidamada Maraykanka oo hadlay weerarka kadib ayaa xaqiijiyay inuu badbaaday, weerarkana ay ku dhinteen saraakiil katirsan saaxiibadooda.
Dhawaan ayaa ninkan waxaa jagadan u magacaabay madaxweynaha Maraykanka Donadl Trump, kaas oo culeesyo xoogan ay kasoo wajahayaan saaxada Jihaadka ee Afqaanistaan.