HomeAll newsSheekhii Allifay Kitaabka Xisnul Muslim Oo Ku Geeriyooday Sacuudiga.

Sheekhii Allifay Kitaabka Xisnul Muslim Oo Ku Geeriyooday Sacuudiga.

Allaah u naxariisto’e waxaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga saaka ku geeriyooday Sheekh Dr Saciid Bin Cali Bin Wahfi Al-qaxdhaani oo ah Sheekhii Allifay Kitaabka aadka u qiimaha Badan ee Xisnul Muslim (Dhufayska muslimka) oo ah Kitaab uu Sheekha kusoo aruuriya Adkaaraatka soo arooray.

Sida ay sheegeen dad ehelladiisa ah, wuxuu Sheekhu ku geeriyooday Da’da 67 Sano Jir, isagoo muddo dheer la xanuunsanayay Cudurka halista ah ee Kansarka oo ugu dambeyntii uu Saaka u geeriyooday Allaah u naxariisto e’.

Culimadii ay saaxiibaha ahaayeen qaarkood, aqoontana u lahaa ayaa sheegay inuu Sheekhu ayaa Allifay Kutubo Iyo Risaalooyin Boqol ku dhaw oo ay dadka Muslimiinta si aad ah ugu faa’ideen waxaana ugu caansan Kitaabka Xisnul Muslim.

Culimo Sheekha lamid ah oo allifay kutub dhowr ah ayaa iyaguna ku xiran xabsiyada ku yaalla dalka Sucuudiga, kuwaasoo loo heysto iney xaqa cadeeyeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular