Maktabka Sakawaadka ee Wilaayada islaamiga ee Banaadir ayaa lacago kumanaan kun oo dollar ah wuxuu u qeybiyey boqollaal ruux oo shacab fuqaro ah kuwaas oo kamid ah dadka reer Muqdisho.
Munaasabad ballaaran oo dadka loogu qeybinayay lacagaha sakada ah ayna ka qeybgaleen mas’uuliyiin sar sare oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dadka lagu gudoonsiiyay hantida ay xaqqa u yeesheen.
Dadka loo qeybiyay lacagaha sakada waxay gaarayeen inkabadan 200 oo ruux, waxayna lacaguhu kala ahaayeen saddex qeybood oo kala ah 1000$, 500$ iyo qeybta ugu yar oo ahayd 200$.
Dadka sakada qaatay waxay isugu jireen rag iyo dumar, waxaana kamid ahaa dad waayeello ah kuwaas oo qaarkood xitaa naafo ahaa, waxaana dhamaan dadka qaatay sakada ay ka sinnaayeen iney ahaayeen dad fuqaro ah.
Sheekh Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali dheere afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo la hadlay dadka sakada la siiyay ayaa u sheegay in lacagahan laga soo qaaday dadka muslimiinta ee hantida leh, lana siinayo dadka fuqarada ah.
Wuxuu sheekhu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in dadka muslimiinta is gacan qabtaan, islamarkaana isku tiirsanaadaan, isagoona dadka sakada qaatay ugu baaqay iney u duceeyaan dadka muslimiinta ah ee laga soo qaaday hantidan.
Waxgarad iyo nabadoonno caan ka ah magaalada Muqdisho, kana soo qeybgalay munaasabadda ayaa ugu baaqay reer Muqdisho inay isgarab taagaan Mujaahidiinta, kana qeybgalaan dagaalka Jihaadka ah.
Hoos ka daawo Sawirrada Munsaabadda lagu qeybinayay lacagaha sakada.