
Magaalada Xalab waxaa maalmihii tagay ka dhacayay dagaallo xoogan oo dhexmaraya malleeshiyaadka Nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-asad, kuwaas oo uu soo kala dhexgalay khilaafaad xoogan.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gudaha magaalada Xalab oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Suuriya, gacantana uu ku hayo Nidaamka, waxaa magaalada shan maalmood oo xiriir ah ku dagaallamaya labo malleeshiyo oo kawada tirsan Nidaamka Nuseyriyada.
Malleeshiyaadka dagaallamaya waxay kala yihiin malleeshiyaadka Aal-bari iyo kuwii laga soo barakaciyay magaalooyinka Kufriyaa iyo Al-fowca, waxaana dagaalkooda uu salka ku hayaa muran la xiriira dhul ku yaala xaafadaha bari ee magaalada Xalab.
Malleeshiyaadka laga soo barakaciyay Kufriyaa iyo Al-fowca ayaa ku doodaya iney iyagu xaq u leeyihiin dhulkaas, maadaama dhulkooda ay kasoo barakaceen, halka malleeshiyada Aal-bari ay ka biya diidanyihiin arintaas.
Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna malleeshiyaadku isku gaarsiiyeen khasaare adag, iyadoona ay iska gubeen gawaarida dagaalka.
Saraakiil katirsan Nidaamka Nuseyriyada oo isku dayay inay kala dhexgalaan malleeshiyaadka is heysta ayaa ku guul dareystay, waxaana fashil kusoo dhamaaday dadaalladooda.
Waxaa joogta ah dagaallada noocan ah ee dhexmara malleeshiyaadka faraha badan ee ka garab dagaallamaya Nidaamka Bashaar Al-asad, waxaana ugu wacan iyagoo leh masaalix iyo dano kala duwan oo mararka qaar iska hor imaaneysa.
Waa malleeshiyaad lagu carbiyay boobka iyo sadbursiga, taas ayaana keeneysa in marar badan ay isku qaad-qaadaan, islamarkaana khasaare adag is gaarsiiyaan.