Tiro kamid ah ciidamada xukuumadda Iiraan ayaa lagu afduubay howlgal gaar ah oo ka dhacay xuduud beenaadka ay wadaagaan wadamada Iiraan iyo Pakistaan.
Wararka ka imaanaya wadanka Iiraan waxay xaqiijinayaan in rag hubeysan ay afduubteen ugu yaraan 14 askari oo katirsan ciidamada xukuumadda shiicada ah ee Iiraan.
Ciidamada la afduubtay waxay ka kala tirsanyihiin noocyada kala duwan ee ciidamada Iiraan, sida ilaalada xuduudaha, sirdoonka ciidanka kacaanka iyo kuwa gurmadka loo yaqaano, oo saldhigyo kulahaa deegaannada xuduud beenaadka.
Jamaaco lagu magacaabo Jeyshul Cadli oo ka dagaalanta dalka Iiraan, sheegatana iney difaacdo muslimiinta sunniga ee Baloshistaan ayaa sheegatay mas’uuliyadda afduubka ciidamadan katirsan dowladda Iiraan.
Dowladda Iiraan weli kama soo bixin war rasmi ah, balse warbaahinteeda ayaa aad u baahineysa wararka la xiriira afduubka ciidamadan.
Dowladda Iiraan ayaa gumaad wuxuushnimo iyo tacadiyaad joogta ah ku heysa muslimiinta ku dhiban gudaha dalkaas, iyadoona sidoo kale dhibaatooyin ka wada wadama badan oo katirsan caalamka islaamka, sida Suuriya, Yaman, Ciraaq iyo kuwa kale.