HomeAll newsImaaraadka oo calooshood u shaqeystayaal Maraykan ah u adeegsada dilalka A’imada Masaajida...

Imaaraadka oo calooshood u shaqeystayaal Maraykan ah u adeegsada dilalka A’imada Masaajida Yaman.

Sawirro uu website-ku baahiyay, oo ah fariiqa fuliya dilalka.

Website lagu magacaabo Bazavid  ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka ay u adeegsatay calooshood u shaqeystayaal Ameericaan ah dilal sanadihii lasoo dhaafay dalka Yaman loogu geystay xubno katirsan xisbiga Al-islaax, iyo qaar kamid ah A’imada masaajida.

Website-ka wuxuu hoosta ka xariiqay in shirkad amni oo lagu magacaabo Spare Operation oo dowladda Imaaraadka heshiis la gashey sanadkii 2015-ka ay fulisay dilalka ugu badan ee ka dhacay koonfurta dalka Yaman oo ay ka howlgalaan dowladaha Imaaraadka iyo maamulka Aala-Sucuud.

Shirkadan waxaa aas-aasay nin Yahuudi ah oo lagu magacaabo Abraahaam Golan, waxaana xubnaheeda kamid ah ciidamo horay ula soo shaqeeyay dowladda Maraykanka.

Webka Bazavid ayaa la kulmay oo wareystay xubno kamid ah shirkadan, kuwaas oo qiray iney dilal ka geysteen laamiyada magaalada Cadan oo ah magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Yaman, hadana ah caasimaddda kumeelgaarka ee dowladda uu hogaamiyo Cabdi-rabbi Haadi Mansuur.

Dowladda Imaaraadka ayaa shirkadan bil weliba siisa lacag gaareysa 1.5 bilyan oo doollarka Maraykanka, waxaana intaas dheer in majmuuca fulisa dilalka qorsheysan ay Imaaraadku siiso noocyada kala duwan ee hubka.

Arintan ayaa muujineysa dowrka naxdinta badan ee Imaaraadku ka cayaarayo dalka muslimka ah ee Yaman, kaas oo dhowr sano oo xiriir ah ku jira colaado ragaadiyay nolosha, kadib markii isbaheysiga carbeed uu duulaan aan loo meel dayin ka billaabay Yaman, isagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular