HomeAll newsHiiraan: Ciidamada Itoobiya oo la kulmay weeraro dhiig bixin ah.

Hiiraan: Ciidamada Itoobiya oo la kulmay weeraro dhiig bixin ah.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dhulkeena Soomaaliya ayaa ku waramaya in ciidamo katirsan kuwa Amxaarada ay la kulmeen weeraro xoogan oo jidgal ah, kuwaas oo ay u dhigeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya oo ku socdaalaya wadada isku xirta Halgan iyo Balad-weyne ayaa maalintii shalay oo keliya la kulmay kudhawaad toban weerar oo khasaare adag lagu gaarsiiyay.

Weerarada waxaa kamid ah saddex qarax oo lagu burburiyay gawaari dagaal oo ay ciidamada Itoobiyaanku wateen, halka sidoo kale loo dhigay shan kamiin oo xooganaa.

Inkastoo la heyn khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Xabashida, hadana waxaa la rumeysanyahay inuu jiro khasaare lixaad leh.

Xabashida ayaa maalmahan ku dhiig baxaya isku socodka magaalooyinka ay xooga kaga  joogaan gobolka Hiiraan, waxaana ciidamada mujaahidiinta ay sii kordhiyeen weeraradooda ka dhanka ah Itoobiyaanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular