
Magaalada Riyaad; caasimadda maamulka Aala-Sucuud oo lagu wado in maalinta berito ah uu ka furmo shir ballaaran oo loogu magacdaray “shirka maalgashiga” ayaa u muuqda mid aan u qabsoomi doomin sidii loogu talagalay.
Dowlado badan oo katirsan caalamka, shirkado caalami ah iyo shakhsiyaad ka muuqda caalamka oo lagu marti qaaday shirka ayaa gebi ahaanba sheegay ineysan ka qeybgeli doonin shirkaas, sababo la xiriira dilkii dowladda Sucuudiga ugeystay wariye Jamaal Khaasqoji.
Shirka oo dhacay maalinta berito ah waxaa dowladaha sheegay ineysan ka qeybgeli doonin kamid ah Maraykanka, Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka, Japan iyo kuwa kale, waxaana intaas kabadan shirkadaha caalamiga ah ee diiday ka qeybgalka shirka.
Waxaa shirkadahaas kamid ah shirkadda caalamiga ah ee APPLE, iyo bankiyo ka furan dunida daafaheeda, waxaana madaxda shirkadahaas ay ku andacoodeen ineysan la dhacsaneyn qaabka loo dilay wariye Jamaal Khaashqoji.
Shirka oo lagu wado inuu furmo maalinta berito ah, ayaan la ogeyn sida uu ku dambeyn doono xaalkiisa, waxaan shir gudoomin doona dhaxalsugaha koowaad ee Aala-Sucuud, Muxamed bin Salmaan oo sumcadii uu ku lahaa Yurub iyo Ameerica ay baaba’day.
Muxamed bin Salmaan ayaa aad uga walaacsan dhaleeceynta reer-galbeedka u geysanayaan maamulkiisa, waxaana warbaahinta Maraykanka ay baahiyeen warbixin la xiriirta in bin Salmaan uu qadka teleefanka kula hadlay Coshiner oo ah la taliyaha ugu weyn ee Trump.
Bin Salmaan ayaa Coshiner u sheegay inuu aadu walaacsanyahay, islamarkaana uu dareemayo in reer-galbeedka ay ku ballan fureen, oo ay inqilaab ku sameeyeen.
Inkastoo uu rajeynayay bin Salmaan taageerada Coshiner, hadana wuxuu kala kulmay jawaab adag, taas oo ahayd in Maraykanku doonayo in baaritaan sugan lagu sameeyo qaabka loo dilay Jamaal.
Illaa iyo hadda lama oga halka lagu aasay Jamaal Khaasqoji, waxaana qirashada dilkiisa ay culees hor leh ku fareysaa maamulka Aala-Sucuud oo hadda la waydiinayo meydka wariye Jamaal Khaasqoji.