Barqinimadii maanta ayaa diyaarad nooca dagaalka ah oo uu leeyahay maamulka Aala-Sucuud waxay kusoo dhacday hawada dhulka Xarameynka, xilli ay ku jirtay duulimaad tababar.
Diyaaradda soo dhacday waxaa nooceeda lagu sheegay Hock, waxaana ku dhintay duuliyayaashii saarnaa.
War kasoo baxay wasaaradda gaashandhiga mamaulka Aala-Sucuud ayaa lagu xaqiijiyay burburka diyaaradda, waxaana wasaaradu ka gaabsatay iney sheegto tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay.
“ mid kamid ah diyaaradaha boqortooyada oo nooceedu ahaa Hock ayaa kusoo dhacday mandiqadda wuqooyi galbeed ee boqortooyada, taas oo sababtay dhimashada dadkii saarnaa” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda gaashandhiga.
Maamulka Aala-Sucuud wuxuu ballanqaaday inuu billaabi doono baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay burubrka diyaaradda.