Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka dhacay weerar naf hurnimo ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga buuxiyay kaasoo si toos ah loola beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Midowga Yurub.
Weerarkan ayaa waxaa qolyahan caddaanka ah lagula beegsaday meel aan sidaa uga fogeyn wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana jira khasaare culus oo soo gaaray kaasoo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaadiid.
Shisheeyahan ayaa waxaa la beegsaday wax yar kadib markii ay kasoo bexeen wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana ay dhacdada kadib ciidamada dowladda iyo kuwa shisheeye xireen wadada.