HomeAll newsDaawo Sawirro: Dayuurado Dagaal oo Shacab Ku Duqeeyay Gedo.

Daawo Sawirro: Dayuurado Dagaal oo Shacab Ku Duqeeyay Gedo.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dayuurado dagaal oo loo maleynayo iney yihiin kuwa Kenya ay duqeyn ka geysteen degmada Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Sida ay sheegayaan dadka degaanka duqeyn muddo saacad ah socotay ayay shisheeyuhu la beegsadeen xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Inta la hubo ma jirto cid ku dhimatay duqeynta balse waxaa ku dhaawacmay dad haween iyo caruur u badan, kuwaasoo lagu dabiibayo goobo caafimaad.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay dayuuradaha shisheeyuhu duqeyn noocan ah ka geystaan Gedo gaar ahaan Ceelcadde. Dhowr jeer oo hore ayay halkan duqeyn u geysteen.

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ay sidan oo kale dayuuradaha shisheeyuhu duqeyn ku burburiyeen isbialka weyn ee degmada Saakow iyo Kolej diinta lagu barayay caruurta da’da qaan gaarka ka yar.

Halkaan Ka Daawo Sawirada Burburka Ka Dhashay Duqeyntii Ceel-Cadde



















 

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. Damiir laawe mooyee
    Dadwaynuhu baraaruge
    Dulmigiyo xasuuqiyo
    Dibin daab yaduu wado
    Gaal dool kuyimidoon
    Diin iyo akhlaaq iyo
    Dadnimiyo wanaag wadin
    Dayuusbaro nijaasiyo
    Dacaarada kuwaa wada
    Iyo Aw dulooboo
    Diintiisi iibsaday
    Doodooda lama rabo
    Shuhadaday dileeniyo
    Shacbigay dafirayaan
    Daanadu u gaystiyo
    Waxse abid Ku daba jira
    Geesiyaal difaacoon
    Nina duudsin karahayn
    Xaqoodooy daba socdaan
    Ragaas darajada helow
    Ragaas diintaw kocow
    Dariiqu waa cadyee
    Waqiin dakanadi maqnayd
    Doonoo dila gaal xarbiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular