HomeAll newsCiidamo Maraykanka uu wato oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Dagaallo ka...

Ciidamo Maraykanka uu wato oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Dagaallo ka dhacay Basra.

Mar kale, dagaallo xoogan ayaa maanta duleedka deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha dhexe ku dhexmaray ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo ciidamo daacad u ah dowladda Maraykanka oo soomaali ah.

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dharbaaxsho kulul la gaarsiiyay ciidamada Maraykanka daacadda u ah.

Warar ay heleyso Idaacadda Al-Furqaan waxay xaqiijinayaan in ugu yaraan 10 askari oo katirsan ciidamada u shaqeeya Maraykanka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalka maanta dhacay.

Waxaa sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku guuleysteen iney gubaan gaari nooca Cabdi bilaha ay soomaalidu u taqaan, kaas oo ay wateen malleeshiyaadka daacadda u ah Maraykanka.

Maalintii shalay ayaa nawaaxiga Basra waxaa ka dhacay afar weerar oo lala eegtay ciidamo Ameericaan, soomaali iyo African ka kooban, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo milliteri ka wada halkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular