HomeAll newsCiidamo Kenyaati ah Oo Lagu Weeraray gobolka GEDO.

Ciidamo Kenyaati ah Oo Lagu Weeraray gobolka GEDO.

Wararka kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in kolonyo ciidamo Kenyaati ah lagu weeraray qeybo kamid ah wilaayada islaamiga ee Gedo.

Kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay inta u dhexeya Faxfaxdhuun iyo Giriley oo kawada tirsan gobolka Gedo ayaa la kulmay weerar culus oo uga yimid dhanka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka dhexmaray ciidamada Kenyaatiga iyo Mujaahidiinta uu ahaa mid xoogan, islamarkaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa la xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gubeen gaari nooca dagaalka ah oo kamid ahaa kolonyada ciidamada soo duuliyaasha Kenya.

Tobaneeyo Askar oo Kenyaati ah ayaa lagu soo waramayaa iney dhinteen, waxaana jira dhaawacyo badan.

Dagaalkan Kenyaatiga lagu dhiig bixiyay wuxuu imaanayaa iyadoo maalintii shalay duleedka Mandheera lagu gubay labo gaari oo ay wateen ciidamo Kenyaati ah, waxaana halkaas ku dhintay ciidamo aad u farabadan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular