Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar kamiin ah oo adag waxay u dhigeen askar katirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo ku safrayay deegaannada ku teedsan xeebta ee u dhexeeya Marko iyo magaalada Muqdisho.
Kamiinka oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Jazeera ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay shan askari oo katirsan ciidamada dowladda, kuwaas oo qeyb ka ah ciidamada Shisheeyaha ku wehlinaya duulaanka lagu soo qaaday Shabeellaha hoose.
Maydadka askarta katirsan ciidamada dowladda ayaa yaala halkii lagu dilay, waxaana ka cararay ciidamadi saaxibadooda ahaa.
Wadada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marko ayaa waxaa si joogta ah uga dhacaya weeraro iyo qaraxyo qorsheysan oo ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu beegsanayo ciidamada dowladda.