Wararka maanta oo Axad ah ka imaanaya Daanta-galbeed oo kamid ah dhulka ku jira gumeysiga maamulka Yahuudda ayaa ku waramaya in ciidamada noocyadooda kala duwan ee Yahuuda ay halkaas kawadaan howlgallo raaf ah oo ay ku qab-qabanayaan dhalinyarada.
Howlgallada oo soo billowday habeenimadii xalay, islamarkaana socda illaa iyo maanta ayaa lagu qabtay inkabadan 10 ruux oo u badan dhalinyaro Filastiiniyiin ah.
Magaalooyinka Al-khaliil iyo Beyt-laxam oo dhaca koonfurta Daanta-galbeed ayaa ah meelaha ugu badan ee ay ka soconayaan howlgallada raafka ah, waxaana illaa iyo hadda la xaqiijiyay in ciidamada Yahuudu xireen 11 ruux.
Ciidamada Yahuudda ayaa xoog ku galaya guryaha ay deganyihiin dadka muslimiinta, waxaana jira xadgudub iyo tacadiyaad ay kula kacayaan dumarka iyo caruurta ku jira guryaha ay baaritaannada ka sameynayaan.
Ciidamada Yahuudda ayaa todobaad xiriir ah waxay raadinayaan wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Ashraf Nacaaluut oo 7-dii bishan weerar ka fuliyay xarunta warshadaha Burkaan oo ku taalla deegaan ay Yahuudu xoog ku degeen oo lagu magacaabo Ar’iil oo dhacda wuqooyiga Daanta-galbeed.
Ashraf ayaa howlgalkaas ku dilay labo ruux oo Yahuud ah, isagoo dhaawacay mid kale, waxaana illaa iyo hadda ciidamada Yahuudu la’yihiin halka uu jaan iyo cirri dhigay kaligii duulaha.