Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duullaan ballaaran ku qaaday saldhigyada ciidamada maamulka Koonfur-galbeed ee magaalooyinka Qansaxdheere oo katirsan Baay iyo Afgooye oo kamid ah magaalooyinka gobolka Shabeellaha-hoose.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa cagta mariyay saldhigyada ciidamadaas ay ku lahaayeen labada magaalo, waxaana ay gudaha u galeen goobhii ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.
Warar aynu heleyno waxa ku waramayaan in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay soo rarteen hub iyo agab milliteri oo aad u farabadan, kuwaas oo ay ka carareen ciidamada maamulka fadhiidka ah ee Koonfur-galbeed.
Marar badan waxaa degmooyinka ay ku suganyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ka dhacay weeraro abaabulan oo ay ku qaadeen ciidamada Mujaahidiinta, waxaana weeraradaas dhimasho iyo dhaawac ku noqda askar badan.