
Afhayeenka ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa saxaafadda uga war bixiyay weerarkii naf hurnimada ahaa ee maanta lagu beegsaday saraakiil ka tirsan midowga Yurub, Dagaalo ka dhacay Hiiraan iyo weerarkii ay saaka kula wareegeen degaanka Goof-gaduud Buurey ee duleedka magaalada Baydhabo.
Ugu horreyn waxa uu ka hadlay weerarkii naf hurnimada ahaa ee duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka Kuliyaddii ciidanka, wuxuu sheegay in dagaal yahan kamid ah guutada Naf-hurayaasha oo hogaaminaya gaari uu beegsaday kolonyo saraakiil ka tirsan M/Yurub oo ay xogtooda horey usii hayeen.
Wuxuu sheegay in weerarka ay ku dileen 4 sarkaal oo u dhashay dalka Talyaaniga qeybna ka ahaa saraakiisha caawiyaasha iyo tababarayaasha u ah shisheeyaha Afrikaanka ah ee (Amisom)
Baaxadda weerarkan iyo khasaaraha culus ee uu geystay ayaa waxaa uu tusaale usoo qaatay inuu burburiyay gaadiidkii ay saarnaayeen saraakiisha sidoo kalana la arkayay calanka dalka Talyaaniga oo astaan u ahaa.
Afhayeenka ayaa wacad ku maray in Xarakada Al-Shabaab ay ka go’an tahay iney beegsadaan shisheeyaha nooc walboo uu ahaado, caddaan iyo madow intaba.
Intaasi kadib waxa uu guda galay weerar aan dhiig ku daadan oo ay saaka aroortii hore ciidankooda Milatarigiihi kula wareegeen degaanka lagu magacaabo Goof-gaduud Buurey oo qiyaastii 30KM u jira magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, wuxuu sheegay in ciidankii halkaa joogay ay carareen markii ay mujaahidiinta arkeen, taasna ay keentay iney la wareegaan xeradoodii islamarkaana gurtaan wixii agab milatari ahaa ee ay ka carareen.
Ugu dambeyntii Sheekh Abuu Muscab, ayaa warbixintiisa kusoo gunaanaday weeraro xiriir ah oo muddo sadax maalmood ah ciidamada Itoobiya ku heysta gobolka Hiiraan. Wuxuu sheegay in Xabashidii iyo Jabuutiyaankii kasoo baxay magaalada Baladweyne ay la beegsadeen 9 weerar.
Masaafada ay socdaan oo ah inta u dhaxaysa Baladwene illaa Nuur Fanax islamarkaana ah mid aad u yar marka loo barbar dhigo sadaxda maalmood ee ay lugeynayaan iyo weerarada 9 ka ah ee ay la kulmeen ayaa waxaa laga dheehanayaa xaaladda adag ee ay wajahayaan sida uu afhayeenku sheegay.
Wuxuu xusay in Xabashidu ay mar walba iska soo hor marinayeen Jabuutiyaanka iyaguna gadaal marayeen, laakin cidda ay inta badan mujaahidiintu beegsanayaan ay ahaayeen Xabashida, waxaana jira oo uu sheegay khasaare badan oo soo gaaray huwantaasi.
Ciidamada Xabashida iyo Jabuutiyaanka ayaa waxa uu socdaalkoodu ku wajahan yahay dhanka Halgan sida xogta lagu helayo, illaa iyo haddana lama oga iney halkaa gaari doonaan iyo in ay wadada ku baabi’i doonaan.