Habeennimadii xalay, dhawaqa sawaariikh iyo madaafiic xoogan ayaa laga maqlay gudaha magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, halkaas oo uu gacanta ku hayo maamulka Bashaar Al-Asad.
Goobjogayaal ayaa wakaaladaha caalamiga ah u sheegay iney arkeen ileyska ama iftiinka qaraxyo xoogan oo ka dhashey sawaariikh ay soo rideen diyaaradaha maamulka Yahuudda.
Duqeymaha waxaa lagu garaacay hareeraha garoonka diyaaradaha ee magaalada Dimishiq, halkaas oo saldhig ciidan u ah malleeshiyaadka Nidaamka iyo sidoo kale kuwa Iiraaniyiinta.
Wakaaladda wararka ee nidaamka Nuseyriyada ayaa sheegtay in ciidamadooda difaaca cirka ay ku guuleysteen iney ka hortagaan sawaariikh cadowtooyo oo lagu soo riday magaalada Dimishiq.
Maamulka Yahuudda oo khilaaf dhanka siyaasadda ah uu kala dhexeeyo dowladda Iiraan ayaa kasoo horjeeda awooda muuqata ee Iiraan ay ku leedahay dalka Suuriya, wuxuuna taas u arkaa mid halis ku ah amnigiisa.