Magaalada Muqdisho waxaa xalay ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan, kaas oo lala eegtay gaari uu saarnaa mid kamid ah xillibaanada Baarlamaanka dowladda federaalka.
Qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga madaxtooyada Villa Somalia ayaa lala eegtay xillibaan Maxamed Mursal Boorow oo kamid ah xillibaanada baarlamaanka dowladda federaalka.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashey qaraxan, waxaa dhaawac halis ah uu soo gaaray xillibaan Maxamed Mursal Boorow, halka uu geeriyooday darawalkiisa gaarka ah.
Xaaladda caafimaad ee xillibaanka dhaawacan ayaa laga deyrinayaa, waxaana suuragal ah inuu u dhinto dhaawaca gaaray maadaama uu si ba’an u haleelay Xillibaanka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada Qaraxan lagu dhaawacay Xillibaanka katirsan baarlamaanka dowladda, waxaana Xarakadu ku hanjabtay iney sii wadi doonto beegsashada xubnaha baarlamaanka, iyo cid weliba oo garab u ah Shisheeyaha Soomaaliya jooga.