Ciidamada shisheeye ee dalka gumeysiga ku jooga ayaa meelaha qar iskood uga guura halka meelaha qaarna xarakada mujaahidiinta alshabaab qori caaradii uga kiciso.
Dhawaan ciidamada shisheeye ayaa ka guuray garoonka kubadda cagta ee muqdisho staadiaam oo ka sokow ciyaaraha lagu qaba jiray munaasbadaha kale sida in ciidda lagu tukado in xiliyada dibad baxyada la isugu yimaado iyo wixii la mid ah.
Garoonka iyo nawaaxigiisa ayaa noqday kuwo qarmuun badan maadaama ciidamadu dhufeysyadooda iyo dhinacyadooda ku saxaroo jireen kuna kaadi jireen.
Bulshada deegaanka wuxay sheegayaan in ay ku farxeen shisheeyaha ka dul kacay maadama caafimaad darro iyo dhibaatooyin kale ay u qabeen welow kuwo aan shisheeyaha dhaamin oo u daacad ah la wareegeen.
Shisheeyuhu waxay bahdileen madaxda dowladda federaalka ah maxaa yeelay markii ay baxayeen waxay u yeereen madaxweynaha federaalka maxamed cabdulaahi farmaajo wuxuuna indhihiisa ku arkay nadaafad darada ka goobta ka jirta.
Urka garoonka ka imaanaya ayaa xaafadaha ka aga dhaw lala joogi la’yahay iska daa halka farmaajo la geeyay oo gudihiisa ahe waxaana suura gal ah in asiga iyo ra’iisalwasaaraha iyo xubno kale oo maalintii labaad tegay cuduro ka qaadaan.
Kadib guuritaankii ciidamada shisheeye oo degay deegano kale oo isla muqdisho ah Ra’iisalwasaare xasan cali khayre ayaa qaatay xaaqin dheer wuxuuna bilaabay in uu geestiisa ka xaaqo qashinka iyo saxarada kale ee goobta karuurnaa.
Qaybaha kale duwan ee bulshada soomaaliyeed qaarkood oo u waramay idaacadda alfurqaan waxay sheegayaan in su xun loo bahdilay madaxda dowladda federaalka ah loona duleystay wax u harayna aanay jirin.
Aqoon yahan xasan oo ka mid ah dhalinyarada soomaaliyeed ayaa sheegaya in ciidamada shisheeye haysteen qalab ay wax ku nadiifayaan dhirtana ku guraan kaasoo marka ay meel degayaan ay adeegsadaan ayna awoodeen in ay garoonka sii nadiifyaan intaanay guurin laakiin ugu tala galeen arinkaan in ay madaxda federaalka ku sharaf dilaan.
Wuxuu intaa ku daray intaa ay ka sii daran tahay madaxda ku faraxsan in ay saxarada shisheeye iyagoo gacmaha kula jira isku sawiraan kuna faanaya.
Wuxuu intaa raaciyay in ciidamadu aomsom loo bixiyay aamisan yihiin in shaqada madaxda federaalku tahay midda ay iminka qabteen
Abuu dujaana oo ah aqoon yahan iyo hal abuur ayaa sheegaya in markii uu u jeeday sawirka ra’iisalwasaare xasan clai khayre oo foorara uu u qaatay in uu ubax beerayo laakiin markii uu gaaday in uu saxaradii ciidamada shisheeye gurayo uu la amakaagay
Nabadoon cali cabdi kariim cali oo ah nin waayeel ah ayaa nagu soo booqday xarunta idaacaddaan alfurqaan wuxuuna nooga waray waxa uu baqlay ee qaada waaayay asigoo sheegay in loo sheegay in madaxdii saxarada shisheeye gureyso.
Dadka qaar oo abuu dujana ka mid yahay waxay aamisan yihiin in madaxda federaalka lagu amray xaaqidda goobtaan ciidamada shsiheeye wasakheeyeen.
Ra’iisalwsaare xasan cali khayre waxa uu sheegaya in loo baahan yahay in ay shacabka soomaaliyeed dib u dayactirtaan garoonka muqdisho istadium
Aqoon yahan xasan ayaa sheegaya in ay ahayd in ciidmaada shisheeye lagu amro in ay dyactiraan goobtaan ay iyagu qaribeen oo ay todobada sano deganaayeen.
Nabadoon cali cabdi kariim cali ayaa sheegaya in ay ahayd ciidamada amisom loogu yeero in ay ka shaqeeyaan nadiifinta xaruntaan ay degnaa jireen
wuxuu aamisan yahay in bahdilaadda lagu hayo hogaamiyaasha federalaku sii soca doono.
Dowladda federaalka ah ayaa si buuxda u oofisa danaha shisheeye waxaana mararka qaar lagula kacaa ficiliada dulleysiga ah si loo hubiyo bal in wax uun damiir ah ku harsan yihiin iyo in kale.
Dadka qaar ayaa ku siran maamulada maqaar saarka ah waxayna la tahay in maamuladaasu danaha soomaaliya ka shaqeynayaan laakiin indheer garadka ayaa og in waxa meesha joogaa yihiin shaqaale shisheeye oo dhab ah.
Aqoon yahan xasan, nabadoon cali cabdi kariim cabdi iyo iyo abuu dujaana waxay ka hadleen waxa manta soomaalida la gudboon.
Ugu dambeyn tiisa daryeelaa tu kale daneeyee nin asiguba gumeysi ku jira muxu adiga kuu galaa?
Halkaan ka degso warbixin ra’iisalwasaaraha oo xaaqay saxaradii amisom