HomeAll newsWeerar Nafhurnimo Oo lagu qaaday Xarunta maamulka degmada Howlwadaag.

Weerar Nafhurnimo Oo lagu qaaday Xarunta maamulka degmada Howlwadaag.

Barqinimadii maanta ayaa gaari miineysan oo uu kaxeynayo Naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa lagu weeraray xarunta maamulka degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Jugta qaraxa oo ahayd mid aad u xoogan, lagana maqlay meelo ka fog goobta uu ka dhacay ayaa waxaa ka dhashey khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararka horudhac ah ee aynu heleyno waxay sheegayaan in tirada dhimashada ay ka badantahay 10 ruux, islamarkaana ay suuragal tahay iney sii kororto.

Xilliga camaliyadda ay dhaceysay waxaa xarunta ku sugnaa madax iyo saraakiil katirsan maamulka degmada Howlwadaag ee dowladda federaalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular