HomeAll newsWeerar ka dhacay Faransiiska oo Khasaare dhaliyay.

Weerar ka dhacay Faransiiska oo Khasaare dhaliyay.

Wararka ka imaanaya magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska ayaa ku waramaya in weerar loo adeegsaday Mindiyo lagu qaaday dad u dhashey wadamada Faransiiska iyo Ingiriiska.

Qofka weerarka fuliyay ayaa la sheegayaa inuu kasoo jeedo dalka muslimka ah ee Afqaanistaan, waxaana uu weerarka u adeegsaday mindi, isagoona mindiyeeyay dhowr ruux oo ay dhaawacyo soo gaareen.

Guud ahaan khasaaraha ka dhashey howlgalkan waa todobo ruux oo dhaawac ah, kuwaas oo labo kamid ah ay ahaayeen dalxiisayaal u dhashey dalka Ingiriiska.

4 Kamid ah dhaawacyada ka dhashey howlgalkan ka dhacay magaalada Paris waxaa laga deyrinayaa xaaladooda caafimaad, waxaana soo gaaray dhaawacyo halis ah.

Ciidamada Amaanka ayaa gacanta ku dhigay ruuxa  weerarka fuliyay, waxaana lagu wadaa baaritaanno ay ku doonayaan iney ku ogaadaan sababaha uu weerarku u fuliyay.

Saraakiisha Amaanka oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen inaaney weli kala saari karin in weerarka uu ahaa mid kaligii duulnimo ah oo ahdaaf sharci ah ay riixeysay iyo in kale.

Wadamada Yurub, sanooyinkii dambe ee lasoo dhaafay waxaa kusoo kordhayay weerarada keligii duulnimada ee ay fulinayeen dhalinyarada muslimiinta,  oo kasoo horjeeda tacadiyada Reer-galbeedku ku hayaan muslimiinta caalamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular