
Dalka Afqaanistaan waxaa lagu soo riday diyaarad dagaal oo ay lahayd xukuumadda taagta daran ee fadhigeedu yahay magaala madaxda Kaabul.
Ciidamada difaaca cirka ee Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan ayaa ku guuleystay iney dhulka soo dhigaan diyaarad nooca dagaalka ah oo ay la socdeen saraakiil katirsan ciidamada xukuumadda Kaabul.
Diyaaradda ayaa lagu soo riday degmada Khaak-safiid oo kamid ah degmooyinka wilaayada Faraah ee dalka Afqaanistaan.
Muuqaal lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinaya diyaaradda dhulka lagu soo riday oo aad u gubaneysa, islamarkaana ay ku dhex shiilmeen saraakiil katirsan xukuumadda Kaabul.
Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan oo sheegatay mas’uuliyada howlgalkan lagu soo riday diyaaradda ayaa baahiyay magacyada qaar kamid ah saraakiisha ku dhintay.
Saraakiisha dhintay ee magacyadooda la helay waxaa kamid ah korneel Toriyale oo duuliye ahaa, kabtan Cabdil-waarith oo duuliye ahaa, kabtan Cabdi-rashiid oo isagana ahaa injineerka guud ee duulimaadka ay ku jirtay diyaaradda, Cabdil-xaq iyo mucalimu-diin oo iyagana ahaa ciidamo u tababaran sida loogu dagaallamo diyaaradaha oo qoriyaasha ku rakiban loo rido.
Howlgalka Al-khandaq ayaa si wanaagsan uga socda guud ahaan gobollada dalka Afqaanistaan, waxaana Ciidamada Imaarada islaamiga ay sii laba jibaareen howlgaladooda.